Monday, January 22, 2018

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo booqdayTukaraq.


Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdirixmaan Saylici ayaa booqasho ku tagay degaanka tukaraq oo ay dhawaan Somaliland ka qabsatay Puntland.



Socdaalka madaxweyne ku xigeenka Somaliland Saylici ayaa salka ku haya colaada ka taagan gobolka ee dhaxaysa Somaliland iyo Puntland iyadoo maalmahanba warbaahinta la isu marinayay hadalo goodi ah.

Somaliland ayaa qabsatay Tukaraq xilli ay Puntland ku jirtay soo dhaweynta madaxweynaha Soomaaliya, mana jiraan illaa iyo hadda wax dagaal ah oo dhexmaray Somaliland iyo Puntland kaas oo sababay wax khasaaro ah.

Dadka degaanka ayaa sheegay in uu markasta dagaal dhici karo, iyadoo dadka qaarna ay isaga qexeen degaanka Tukaraq.


In ka badan 10 ruux oo ku geeriyootay dagaal beeleed ka dhacay Gobolka Sanaag

No comments:

Post a Comment

Arigtidaadu waa muhiim