Wararka ka imaanaya gobolka Sool ayaa waxay sheegayaan in dagaallo u abaabulan qaab beeleed ay dib uga bilowdeen deegaanka Ceel-afweyn ee gobolkaasi, waxaana dagaalladan ka dhashay khasaare kala duwan.
Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in dagaalkaasi ku dhinteen ugu yaraan 17 qof oo u badan dhinacyada dagaallamaya, iyadoo aanay jirin cid kala dhexgashay Labada dhinac.
Dagaalkan ayaa xooggiisa dhacay xalay iyo sidoo kale gelinkii dambe ee shalay, waxayna dhinacyada isku adeegsadeen rasaas culus.
Odayaasha Dhaqanka ayaa isku dayaya dajinta xiisadaha colaadeed ee habka beelaha u abaabulan, waxaana ay sheegayaan in xoogga ay saarayaan dad kale inaysan halkaasi ku dhiman.
Somaliland ayaa sheegtay in deegaanka lagu dagaallamayo geynayaan ciidamo badan, maadaama ciidankii horey deegaankaasi u joogay ay usoo qaadeen dhanka Tukaraq.
No comments:
Post a Comment
Arigtidaadu waa muhiim