Monday, January 22, 2018

Booliiska Masar oo xir xiray dhalinyaro Soomaaliyeed


Ciidamada Booliiska dalka Masar ayaa xiray 14 qof oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah, kuwaa oo laga soo qab qabtay xaafaddo ku yaalla degmada Nasri City oo ah meel si weyn Soomaalida ay u degan yihiin.

Dadka la xir xiray oo isugu jira Arday iyo Qaxooti ayaa waxaa loo gudbiyay saldhig ku yaalla degmada Nasri City, si loo hubiyo in ay yihiin dad sharci ku jooga dalka Masar iyo in kale sida ay warbaahinta u sheegeen jaaliyada Soomalida ah ee ku nool dalka Masar.
Ciidamada Amaanka ayaa waxaa la sheegay in ay gudaha u galeen goobaha ay Soomaalidu ku caweeyaan iyaga oo weydiinayay sharciyada ay ku joogaan dalkaasi.
Mid ka mid ah Soomaalida Masar ku sugan ayaa warbaahinta u sheegay in si gaar ah xaafadda Caashir uu howlgalkaan ugu dhacay.
Masar waxaa ku sugan tiro badan oo dad Soomaaliyeed ah kuwaa oo intooda ugu badan halkaa u jooga Waxbarasho halka dhinaca kalana ay jiraan Qaxooti Soomaaliyeed oo muddo dheerba dalkaasi ku noolaa.

No comments:

Post a Comment

Arigtidaadu waa muhiim