Monday, January 8, 2018

Warbixiniyo Sawiro: Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya ee Puntland.

Madaxweyne Farmaajo iyo ciidanka Puntland
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa booqasho ku yimid Puntland markii ugu horaysay noloshiisa, madaxweynaha ayaa sheegay in uu isku dayay dhawr jeer oo hore in uu Puntland imaado balse ay u suutoobi waysay.


Madaxweynaha oo salaan ka qaadanaya ciidanka Puntland
Madaxweynaha waxaa loo sameeyay soo dhawayn balaaran iyada oo ay kumanaan dad ah soo dhaweeyen. Waxa markii uu ka soo dagay garoonka Caalamiga ah ee Gen. Abshir loo tumay astaanta qaranka isaga oo salaan ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka dawlada Puntland.

Wixii intaa ka dambeeyay waxaa madaxweynaha loo soo kexeeyay barxada magaalada Garowe isagoo socod kusoo dhexmaray bartamaha magaalada.

Muuqaalka Baraxada Garowe 
Markii uu soo gaaray baraxada magaalada Garowe waxa uu madaxweynuhu kula hadlay kumanaan dad ah oo ku sugnaa baraxada waxaana intaas ka dib loo galbiyaya madaxweyne Farmaajo xarunta madaxtooyada Puntland ee Garoowe halkaas oo ay warbaahinta kula hadleen madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyne Dr. Gaas.

M.Farmaajo iyo M.Gaas oo ku sugan madaxtooyada
Madaxweyne farmaajo ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay imaanshihiisa Puntland uuna sii joogi doono maalamaha soo socda isaga oo sheegay in uu tagi doono gaobolada Puntland lana kulmi doono shacabka iyo cuqaasha.

Sidoo kale habeenimadi xalay waxaa uu madaxweyne Farmaajo shirgudoominayay shir golaha wasiirada Dawlada Federalka iyo golaha wasiirada dawlada Puntland ku dhex maray xarunta wasaarada maaliyada.

X.W. Maaliayada Puntland shirkii Golaha wasiirada Federalka iyo Puntland
Waxaana uu madaxweynuhu xalay ku hoyday xarunta madaxtooyada Puntland.

Author: Yakub Aden   
Twitter: @ibnubotan   
Instagram:  Ibnubotan








Wasiirada Dawlada federalka

Wasiirada Dawlada Puntland

No comments:

Post a Comment

Arigtidaadu waa muhiim