Waxa jira 11 arimood oo ah furaha horumarka sida in aad noqoto taajir. Arimahan ayaa lagu soo bandhigay daraasad ay samaysay aqoonyahanad u dhalatay wadanka Sweden oo soo saartay buug ay ugu magac dartay Passion.
Hadaba waa kuwan 11 qodob oo ay daryeelmagazine.com idiin soo turjuntay:
Hadaba waa kuwan 11 qodob oo ay daryeelmagazine.com idiin soo turjuntay:
1- Dareenka: Qofka oo leh karti uu ku arko meesha iyo arinta ay ku jirto fursad uu horumar ku gaadhayo, kadibna isku daya in uu u raadiyo waxii u suurta galin lahaa si uu
arintaa uga midho dhalin lahaa.
arintaa uga midho dhalin lahaa.
2- Dhiiranaan: In aanu qofku ka baqan in uu qasaare galayo in kale.
3- Horumarka jecel: Qofku in uu yahay mid jecel in uu mar walba wax barto.
4- xiisayn iyo karti badan: Qofka oo muujinaya xiisaha uu u qabo in uu horumar gaadho, noqdana mid aad u karti badan taas oo looga jeedo madaale ah.
5- Kalsoonida iyo naftaada: In uu qofku naftiisa si fiican u yaqaan, iskuna kalsoon yahay.
6- In uu yahay qof degan, dareen wanaagsana u leh dad la dhaqanka.
7- Jidka: Qofla oo leh karti uu ku kala dooranayo jidka uu u marayo horumarkiisa. Wax jirta in uu qofku mararka qaar uu ku qasban yahay in uu kala doorto laba jid. Sida asaga oo kala doorta in uu waqtigiisa uga faa’iidaysto in uu wax barto ama in uu waqtigiisa ku dhamsyto fadhi ku dirir iyo sheeko aan macno lahayn.
8- Karisma: Qofka oo leh haybad uu ku soo jiidan karo dadka.
9- Tartan: Qofka in uu yahay mid shaqada uu ku jira u arko sidii tartan oo kale. Qof jecel in uu la tartamo dadka kale.
10- Meel wanaagsan, dad horumar gaadhay, xidhiidh: In uu qofku joogo meel ay ka jirto wax isu sheegid iyo is tusida horumarka, in uu qofku ku daydo dadka horumarka gaadhay sida Bil Gate iyo xidhiidh uu qofku la leeyhay dad badan oo shaqooyin yahysta kuwaas oo kuwa kale sii bara qofka.
11- Dareen xoogan iyo jacayl: In uu qofku leeyahay dareen xoogan oo uu u qabo hourmarka, jecelna horumarka.
W/Q: Saynab Daahir
No comments:
Post a Comment
Arigtidaadu waa muhiim