Wednesday, February 1, 2017

Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya oo beri bilaabi doona khudbad jeedinta.


Dr. Cabdirixmaan Ducaale Bayle
Guddoomiyaha Guddiga Dr C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in labada bishan ay si rasmi ah u bilaaban doonto hadal jeedinta Musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee baarlamaanka, isagoo xusay in ay soo gudbin doonaan magacyada muddada saddexda maalin ee ay socon doonto hadal  jeedinta.


"Labada bishan musharixiinta waxa ay baarlamaanka ka horjeedin doonaan khudbadahooda, maalintiina waa sideed, sidaas ayay ku noqoneysaa muddo saddex cisho ah, marka aan soo dirno magacyada musharixiinta, waa inay nuqul ka mid ah khudbadooda keenaan oo ay Xildhibaanada u qeybiyaan” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ah guddoomiyaha guddiga qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

“Musharixiinta weli way keeni karaan cod shan daqiiqo ah oo uu kaga hadlayo waxqabadkiisa iyo qorshaha uu hiigsanayo, waxaana musharixiinta ay codadkaasi ku soo hagaajin karaan, Telefishinka Qaranka, waxaana ay heystaan fursad ay bulshada kula hadli karaan” ayuu yiri Cabdiraxmaan Ducaale.


Wadamo faragali ku haya doorashada soomaaliya halkan ka akhri

No comments:

Post a Comment

Arigtidaadu waa muhiim