Wednesday, February 1, 2017

Ciidanka amaanka oo lagu weeraray bartamaha magaalda Bosaso

Bosaso Puntland
Kooxo hubaysan ayaa weerar kusoo qaaday ciidanka amaanka magaalada Boosaaso ee xarunta ganagsiga Puntland.


Kooxaha weerarka soo qaaday oo ku hubaysna aayaa weerarka ku qaaday ciidanka amaanka oo ku sugnaa agagaarka Xalwo kismaayo.

weerarka ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, wararka ayaa sheegaya in ay jirto dhimashada labo ruux oo shacab ah, sido kale waxa jira dhaawaca 6 qof oo isugu jira ciidanka amaanka Puntland iyo shacab .

Ibitaalka guud ee magaalada Boosaaso ayaa lagu dabiibaya dadkii ku waxyeeloobay dhaawaca.

Weerarkan ayaa yimid xili maalmihii ugu dambeeyay ay ka dhacayeen magaalada Boosaaso dilal loo gaysanayo wax-garadka iyo ganacsatada Puntland ee magaalada Boosaaso gudaheeda loogu gaysanayo.

Sido kalena waxa goob boosaaso u jirta 50KM lasoo dhigay meydad qoorta laga gooyay, meydadka ayaa ahaa dad dhawaan ay kooxda daacish afduubteen.

No comments:

Post a Comment

Arigtidaadu waa muhiim