Wednesday, February 1, 2017

Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlay wadamada faragalinta ku haya doorashada Soomaaliya


R.W. Cumar Cabdirishiid Cali Sharmaake

Ra'iisal wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake oo maanta Magaalada Muqdisho ku qabtay Shir Saxaafadeed, ayaa shaaca ka qaaday in Dowlado ka mid ah kuwa deriska la’ah Somaliya ay faragelin toos ah ku hayaan Doorashooyinka Somaliya.


Cumar C/rashiid ayaa sheegay marxalada xilligaan Somaliya ay ku jirto inuu yahay mid xasaasi ah, islamarkaana Xildhibaanada loo baahan yahay inay gartaan halka ay ku jirto Maslaxada Somaliya.

Sharmaake ayaa sheegay Somaliya inay tahay dal madax banaan, sidoo kalena ay  u madax Banaan tahay arimaha Doorashadeeda ku xeeran.

Somaliya ayaa ammaanka waxaa ka gacan siiya ciidamo ku bahoobay magaca Amisom, waxaana uu sheegay Ra’iisul Wasaare Sharmaake iyadoo laga faa’iideysanaayo caawimaada Somaliya ee dhinaca ammaanka inay jiraan culeyso dowladaha Gobolka ka imaanaya oo ah in Musharax gaar ah la siiyo xilka Madaxtinimada dalka. 

Xildhibaanada dawlada Soomaaliyay ayay gacanta ugu jirta cida noqonaysa madaxweynaha soomaaliya, balse dalal badan oo Soomaaliya daris la ah ayaa doonaya in Soomaaliya loo doorto musharax ay ka arkaan in uu u qabto hawla ay ka leeyihiin soomaaliya.

08-da bishan ayaa la filaya in la qabto doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

No comments:

Post a Comment

Arigtidaadu waa muhiim