Monday, February 6, 2017

Alshabaab oo afar dhalinyaro ah ku dilay jamaame.

Kooxda Alshabaab oo ku dishay degmada Jamaame afar qof ayaa ku sheegay in ay ahaayen jaajusiin u shaqeeya dawlada federaalka ah iyo CIA da Maraykanka.

Sido kale saraakiil ka tirsan maamulka Jubaland oo ka hadlay dilkan loo gaystay afartan qof ayaa sheegay in ay ka xun yihiin afartaas qof ee la dilay iyagoo sheegay in afartuba ay ahaayeen dad shacab ah.

Saraakiisha ayaa ku tilmaamay alshabaab kuwo dilaya shacab ka iyagoo marmarsiyo uga dhigaya in ay yihiin sirdoon.

No comments:

Post a Comment

Arigtidaadu waa muhiim