Wednesday, January 25, 2017

Donald Trump oo qorshaynaya inuu Xakameeyo qaxootiga dhowr wadan oo muslim ah.


Donald Trump
Madaxweynaha maraykanka ayaa lagu waramayaa in uu ku guda jiro diyaarinta sixiixyo dhowr sharci oo lagu xakameynayo muhaajiriinta dalkaasi Maraykanka gaara. sharciyadan ayaa maanta lagu dhawaaaqi doona



Madaxweyne Trump ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in maalin weyn ay u noqon doonto ammaanka Maraykanka, isla markaana uu dhisi doono derbiga soohdinta Mexico.

Warbaahinta ayaa sidoo kale sheegaysa in maamulka cusub uu adkeyn doono dal ku-galka ay Maraykanka siiyaan muwaadiniinta todobo dal oo Muslim ah, oo ay ka mid tahay Soomaaliya,Suuriya, Sudan, Ciraaq, Yemen, Iran.

Wadamadan ayaa dhamaantood ah wadamo muslim ah.

No comments:

Post a Comment

Arigtidaadu waa muhiim