Wednesday, January 25, 2017

Faahfaahin ku saabsan qaraxyadii saaka muqdisho ka dhacay.

Uuro ka dhalatay qaraxa

Labbo qarax oo is xiga oo saaka lala eegtay hotel ku yaal magaalada muqdisho laguna magacaabo hotel Dayax ayaa ahaa kuwo gaystay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hanti.



Qaraxa hore ayaa lala beegsaday albaabka hotel Dayax, halkaasi oo ay tagaan qaar ka mid ah xildhibaannada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya.
Qaraxa labaad ayaa la sheegayaa in uu ka dhashay gaari ay wateen maleeshiyada huteelka gudaha u gashay.

Ciidanka ammaanka Soomaaliya ayaa sheegay in uu soo afjaray howlgal uu ka waday gudaha hotel Dayax.

Dadka dhaawucu ka soo gaaray qaraxan ayaa la sheegay in ay kor u dhaafeen 40 qof halka meydadka dadka ku dhintay qaraxyadan ay gaarayaan labaatameeyo qof sida ay sheegen wariyeyaasha booqday goobta.

Sido kale waxaa dadka qaraxa ku dhawacmay ka mid ah sawirqaadyaal ka tirsan wakaaladaha wararka ee Aljazeera, AP iyo AFP.

Hotelka qaraxa lala eegtay ayaa waxa dagan xildhibaano dawlada federaalka ka tirsan iyo odayaal dhaqameed kasoo jeeda maamulka koonfur galbeed, iyadoo la sheegay in ay jiraan madax dhaqameedyo ku geeryooday weerarkaas.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay in uu ka dambeeyay weerarkaasi.

No comments:

Post a Comment

Arigtidaadu waa muhiim