Friday, January 27, 2017

Kooxda Al-shabaab oo weeraray Saldhiga ciidamada keenya ee Kulbiyow Soomaaliya.

Alshabaab Troops

Kooxda alshabaab ayaa weeraray saldhig military ee ku yaal magaalada kulbiyow halkaas oo ay daganyihiin ciidamo Kenyaan ah.



Al-shabaab aya sheegay in ay waxyeelo weyn u geysteen ciidanka kenya ayna gabi ahaanba la wareegen saldhigaas ciidan ee ay daganyihiin ciidamada kenya.

Afhayeen u hadlay ciidamada kenya oo lagu magacaabo Paul Njuguna aa diiday in aysan alshabaab saldhigaas qabsan, inkasta oo uusan sheegin baaxada ay le'egtahay baxaada dhibaatada, wuxuusa sheegay in uu wali hawlgal socdo.

Kooxda Alshabaab ayaa sheegay in markii hure naftii hure wata gaari ay ka buuxan qaraxyo uu xerada xayndaabkeedi jabiyay kadibna ay weerarka qaadeen.

Ciidamada Kenya oo ka mid ah hawlgalka Amisom ayaysan ahayn markii u horeysay oo weerar lagu qaado xerana laga qabsado.

No comments:

Post a Comment

Arigtidaadu waa muhiim