Sunday, December 3, 2023

Howlgal lagu dilay In ka badan 60 xubnood oo ka mid ah Kooxda Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Hiiraan


Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo Saaxiibada Caalamiga ah oo ka dhacay saacadahii lasoo dhaafay Tuulada Helo Bacaad oo ka tirsan gobolka Hiiraan.


Howlgalka ayaa la sheegay in ciidamada is kaashanaya ay ku dileen in ka badan 60 xubnood oo ka mid ah kooxda Al-shabaab oo ku sugnaa Tuulada Hela Bacaad oo u dhaxeysa magaalooyinka Halgan iyo Baledweyne.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in howlgalka uu ahaa mid saacado badan qaatay, islamarkaana ciidamada ay sidoo kale ku burburiyeen fariisimo kooxdu ku laheyd tuulada Helo Bacaad.

Deegaankaan uu ka dhacay howlgalkaan culus ee khasaaraha badan loogu geystay Al-shabaab ayaa ka mid ahaa deegaanada sanadkii hore laga xureeyay kooxda Al-shabaab.

Howlkaan ayaa sidoo kale kusoo beegmaya maalin kadib markii uu hoggaamiyaha ciidanka difaaca dadweynaha Cali Jeyte Cismaan uu ku dhawaaqay iney ku qaadi doonaan weerar cir iyo dhul ah meelaha ay ku sugan yihiin kooxda Al-shabaab ama ay dib ugu soo laabteen.

No comments:

Post a Comment

Arigtidaadu waa muhiim