Saturday, December 2, 2023

Ciidanka badda Puntland oo xeebaha ka bilaabay howlgallo ka dhan ah burcad badeedda


Ciidamada badda Puntland, ayaa xoojiyey howlgallada xeebaha ee degaanada maamulkaas, ka dib markii kooxaha burcad badeedu ay bilaabeen weeraro ay ku qafaalanayaan doonyaha kalluumaysiga iyo maraakiibta ganacsiga.


Taliyaha ciidanka badda Puntland Cabdullaahi Maxamed Axmed oo la hadlay wakaaladda wararka ee AP, ayaa u sheegay in ay laba jibaareen howlgallada ka socda xeebaha ee ka dhanka ah kooxaha burcad badeedda.

“Dawlad goboleedka Puntland kaligeed ayay ku tahay dadaalkan amni. Ma jirto wax gargaar ah oo ka yimid Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Midowga Yurub ama wax gargaar caalami ah. Laakiin waxaan sameyneynaa intii karaankeena ah,” ayuu yiri taliyaha ciidanka badda Puntland.

Hadalka sarkalkan kasoo baxay ayaa kusoo beegmay, iyadoo dhawaan koox burcad badeed ah ay xeebaha Eyl ka afduubteen dooni kalluumaysi oo laga lahaa dalka Iiraan. Burcad badeedu waxay dalbadeen lacago madax furasho ah oo dhan $400,000

Si kastaba ha ahaatee, ciidamada Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa dhawaan fashiliyay weerar burcad badeeda Soomaalida ay ku qaadeen Markab ganacsi oo ku gooshayay calanka dalka Laybeeriya. Markii weerarka lagu qaaday wuxuu ku safrayay badda gacanka Yemen.

Burcad badeeda ayaa isku dayay in ay baxsadaan iyaga oo isticmaalaya doomo dheereeya balse waa ay is dhiibeen kadib markii uu baacsaday markabka bur buriyaha Mareykanka ee USS Mason, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka.

No comments:

Post a Comment

Arigtidaadu waa muhiim