Friday, January 26, 2018

31 Qof ayaa dhimatay in ka badan 70 qofna waa ay ku dhaawacmeen dab ka kacay Isbitaal ku yaal South Korea

Sejong Miryang, South Korea
31 Qof ayaa dhimatay in ka badan 70 qofna waa ay ku dhaawacmeen dab ka kacay Isbitaal ku yaal Koonfurta Kuuriya, sideed kamid ah dhaawacyada ayaa ku jira xaalad halis.


Dabka ayaa bilowday 7:30am Subaxnimo meel u dhow qayba Gargaarka deg-dega ah ee ku taala dabaqa koowaad ee isbitaalka SejongChoi Man-woo oo ah madaxa dab damiska magaalada Miryang ayaa u sheegay warbaahinta.

Dabdamiska ayaa kasoo saaaray in ka badan 200 oo qof isbitaalka iyo guriga kal-kaalisooyinka oo ku yaala dhabarka dambe ee isbitaalka.

Miryan waxa ay 270km (170 miles) u jirta caasimada wadanka koonfur kuuriya ee Seoul. wargeyska Yonhap ayaa saaka sheegay in ay dhimashadu tahay 33 qof.

Dadka geeriyooday iyo dhaawaca ayaa badankood ku sugnaa dabakha koowaad iyo kan labaad ee isbitaalka. 

Madaxweynaha dalka South Korea Moon Jae-in ayaa dawladiisa isugu yeeray kulan dagdag ah isagoona sheegay in loo baahanyahay in la yareeyo dhibaadata ka dhalanaysa dabka gargaar degdeg ahna loo fidiyo dadka waxyeeladu soo gaartay.

Baaritaan ayaa lagu wadaa sababta dhalisay dabka oo aan ilaa iyo hadda la ogayn.

Author: Yakub Aden
Twitter: Ibnubotan 
Instagram: Ibnubotan

No comments:

Post a Comment

Arigtidaadu waa muhiim