Friday, December 1, 2023

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo Maanta cod u qaadaya qaadista cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya

 


Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Maanta oo Jimco ah cod u qaadi doona  in Soomaaliya laga qaado cunaqabataynta hubka ee saaran mudo ka badan sodon sano.

Xubnahaan oo ka kooban 15 xubnood ayaa lagu wadaa in Maanta ay cod u qaadan labo qaraar oo la sheegay iney soo diyaarisay dowladda Ingiriiska, kaasoo mid ka mid ah uu yahay in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka oo dhan iyo midka labaad oo ah in dib loogu soo celiyo cunaqabateynta hubka ee saaran kooxda Al-shabaab ee xiriirka la leh urur weynaha Al-Qaacida.

Golaha amaanka ayaa cunaqabateynta saaray Soomaaliya sanadkii 1992-kii xiligaas oo la tilmaamay in goluhu uu ka hortagaayay qulqulka hubka ee dagaal oogayaashii isku hayay xiligaas gudaha Soomaaliya, kuwaasoo xukunka ka tuuray madaxweynahii hore ee dalka Jaalle Maxamed Siyaad Barre.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo todobaadkaan bilowgiisii ka hadlaayay furitaanka kalfadhiga afaraad ee Baarlamaanka fedaraalka Soomaaliya ayaa sheegay in cunaqabataynta hubka laga qaadi doono Soomaaliya, hayeshee khudbadiisii waqtigaas kuma uusan cadeyn madaxweynaha in dowladda ay balanqaad ka heysato dalalka 15 ka ah ee golaha amaanka Qaramada Midoobay.

Ugu dambeyntii dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe dadaalo dheeraad ah ugu jirtay sidii looga qaadi lahaa cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya mudad dheer, waxaana haatan muuqaneysa rajo wanaagsan oo ay ka qabto in laga qaado cunaqabateynta hubka.

No comments:

Post a Comment

Arigtidaadu waa muhiim