Friday, December 1, 2023

70 jir u dhalatay Dalka Uganda oo mataano dhashay

 

Safina Namukwaya

Haweenay 70 jir ayaa dhashay labo mataano ah 29 bisha november kadib qaliin lagu sameeyay.


caruura oo kala ah wiil iyo gabar ayaa lagu guulaystay arbacadi in si nabad ah lagu dhaliyo waxayna noqonayaan markii labaad ee ay dhasho ilmo mudo saddex sano ah gudahood .
dhalmadan waxa ay suura gashay kadib markii lagu haweenay kale lag soo saaray ugxan kadibna laabka lagu bacrimayay shahwo rag iyada oo habkan loogu yeero  In Vitro Fertilization (IVF) sida ay ku sheegeen qoraal bogooda facebook Women's Hospital International and Fertility Centre ee kampala.

miisaanka caruurtu waxa uu aha 2 kiilo kuwaas oo ay kuwaas oo ay siday mudo 34 todobaad ah.


xoga qaar ayaa sheegaya in ay doonaysay in ay caruur dhasho kadib markii dadka asxaabteeda ah ay ku xanteen in ay gablan tahay.
sida caadada ah haweenku waxa ay ku dhalmo daayaan inta u dhaxaysa da'da  45 ilaa 55 sano, balse horumar laga sameeyay dhanka caafimaadka ayaa suuragaliyay in da'daas kadib lagu dhali karo.

No comments:

Post a Comment

Arigtidaadu waa muhiim