Friday, December 1, 2023

Garaad Jaamac Garaad Cali: Diyaar ayaanu u nahay nabadgalyo, gogol hala dhigo

 


Garaadka Guud ee SSC Garaad Jaamac Garaad Cali, ayaa ku baaqay nabad, isaga oo sheegay in colaada ka taagan qaybo kamid ah gobolka Sool nabad lagu dhameeyo.


Garaadka oo ka jawaabay shir ay dhawaan yeesheen beel kamid ah beelaha Somaliland oo ay xurguf colaadeed dhexmartay beeshiisa, ayaa sheegay in loo baahanyahay in colaada wada hadal lagu dhameeyo.

"Garxajis waxaanu ka rajaynaynaa in ay qabtaan cida ay xadhiga u yihiin oo Habarjeclo ah, anaga Harti ayaa na qabta, dhibaatadani haday sii socoto way idin saamaynaysa, idinku gogosha dhiga, ama aynu isla meeraysano, diyaar ayaanu u nahay nabadgalyo" ayuu yidhi Garaad Jaamac.

Beesha Bariga Burco oo dhawaan shir ugu soo xidhmay magaalada Burco, ayaa sheegtay in ay nabad ku wadanoolaansho rabaan, lakiin ay dagaalamayaan, oo ay is difaacayaan.

Dagaalada ayaa sababay khasaare soo kala dhaagay labada dhinac iyo gubashada tuulooyinka Buqdharkayn iyo Boodhlay, waxaana laga cabsi qaba in ay markale qarxaan xili dhinacyadu ay is horfadhiyaan.

No comments:

Post a Comment

Arigtidaadu waa muhiim