Booliska dalka Philippines ayaa xirey nin u dhashay dalka Kenya oo ka mid ahaa ururka Al-Shabaab , kaaso la sheegay inuu qorsheynayay weeraro uu geysto,sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Xinhua.
Choclo Abdi ayaa la qabtay gelinkii dambe ee Isniintii sida ay daabacday Coastweek waxaa uu haystay Bastoolad, Bambo gacmeed iyo maaddooyin kale oo qaraxyada loo adeegsan karo.
Dowladda Philippines ayaa sheegtay in Cabdullahi uu magaalada Pasay Iskuul ku yaalla ka baranayay duuliyenimada, sida loo afduubo diyaaraha iyo wixii la mid ah.
Waxa kale oo lagu eedeeyay in uu ka been abuuray dukumintiyada uu ku joogay gudaha Dalka Philippines.Kenya ayaa hore ninkan ugu jartay warqad lagu soo xirayo,waxaana ay sheegtay in uu ku biiray Al-shabaab sanadkii 2012kii.
Soource: Hiiraan Online
No comments:
Post a Comment
Arigtidaadu waa muhiim