Dowladaha France, Finland, Denmark, Germany, Italy, Poland, Netherland, Norway, Sweden, Switzerland, Turkiga, Ingiriiska, Maraykanka,
howlgalka AMISOM, Midowga Yurub Urur Goboleedka IGAD, Qaramada Midoobay iyo saaxiibbada Soomaaliya, ayaa waxay si wada jir ah usoo dhoweeyeen wada hadallada Galmudug ka socda oo lagu mideynayo isla markaana sare loogu qaadayo xasiloonida taasoo faa’ido u ah bulshada Galmudug iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.
Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu faray in dhammaan daneeyayaasha Soomaaliya ay sii wadaan dedaalkooda iyo in ay Galmudug kusoo dabbaalaan dib u heshiisiin ballaaran oo loo dhan yahay, taas oo horseedi karta doorasho hufan oo caddaalad ah, kana soo baxaan hoggaan cusub , si aan dhibaato lahayn.
Source: Hiiraan Online
No comments:
Post a Comment
Arigtidaadu waa muhiim