Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari oo xalay waqti danbe shir jaraa’id ku qabtay xarunta Villa Hargeysa ayaa sheegay in ra’iisal wasaaraha xukuumadda SoomaaliyaXassan
Cali Kheyre yahay shaqsi shaqo yaqaan ah laakiin waayadii ugu danbeeyay bilaabey in uu talo ka qaato kuwii bur buriyay baarlamaankii Sideedaad.
‘’Ra’iisal wasaare Kheyre waa shaqsi shaqo yaqaan ah, laakiin waayadii ugu danbeeyay waxaad moodaa in uu bilaabey in uu ka tallo qaato Enjineeradii ku takhasusay bur burintii Baarlamaankii Sideedaad, ‘’ayuu yiri guddoomiye Jawaari.
Prof jawaari ayaa meesha ka saaray in uu jiray mooshin ka dhan ahaa xukuumadda uu ra’iisal wasaaraha ka yahay Kheyre oo ay wadeen xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka.
”Dalkan meel fog baa laga keenay, dad badan ayaa u soo geeryooday, dadka qaar rajo beel ayaa ku dhacay, laakiin waxaan soo gaarsiinay nidaam daahfuran, waxaana muujinay in Soomaaliya ay leedahay Baarlamaan cadaalad leh, shacabka Soomaaliyeed marqaati ayay ka yihiin” ayuu yiri Jawaari.
Guddoomiyaha ooa dhinaca kale soo hadal qaaday xaalada xarunta Golaha Shacabka, ayaa sheegay in ay tahay markii ugu horeysay oo ciidamo la duldhigo xarunta Golaha Shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ku baaqay in ciidamada laga qaado xarunta.
Mar uu shirkiisa jaraa’id ku soo qaaday sida uu ku jabey mooshinkii laga keenay ee loo balansanaa in loo codeeyo 31ka bisha oo ku began maalinta Berri ah ayuu sheegay, in xeer hoosaadka Baarlamaanku dhigayo in muddo 10 cisho ah gudahood lagu geeryo golaha Mooshinka, haddii uu dhaqan-galo-na isla muddo 15 cisho ah lagu soo doorto guddoomiye cusub, taasoo looga go’an leeyahay ayuu yiri in aan la cuuryaamin howlaha Qaranka.
Gudoomiye Jawaari ayaa xildhibaanada xusuusiyay in looga baahan yahay in ay ilaaliyaan danta guud ee dalka, sidaas darteedna laga doonayo qof walba in uu xilkiisa u guto si daacadnimo leh.
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayuu ugu baaqay in ay ka sugayaa in uu qaato mas’uuliyada ka saaran joojinta khilaafkan jira, isaga oo maraya ayu u yiri dariiqa sharciga ah ama tan odeytinimo si arrimahan socda loo joojiyo.
Shirka jaraa’id ee guddoomiyaha ayaa imanaya kaddib markii maalintii shalay uu shir guddoomiyay kulankii guddiyada joogtada ee Baarlamaanka oo lagu go’aansaday in la sii dardar-galiyo howlaha hor yaala Golaha Shacabka.
No comments:
Post a Comment
Arigtidaadu waa muhiim