Friday, March 30, 2018

Hackers Jabsaday xogta dad gaaraya 150 Milyan oo qof

Data Breach

Hackers aan la garanayn haybtooda ayaa jabsaday data-da (xogta) 150 Milyan oo isticmaala Application la yiraahdo  MyFitnessPal.
Appkan ayaa u sahla macaamiishiisa in ay la socda inta colories ee ay maalintii qaatan si ay u barbar dhigaan inta colories ee ay jimicsiga ku gubaan.

Xoga la xaday ayaa ka koobnayd Numbersireedyo (passwords) emailo iyo waliba Username. hackers-ka ayaysa u suurto galin in ay jabsadaan xogaha Kaararka lacagta waxaana macaamiisha appka la ogaysiiyay in ay ku badalaan Number sireedkooda sida ugu dhakhsiyaha badan.

Shirkada App-ka ayaa saddex bari kadib ogaatay markii xogtaan la jabsaday iyaga oo maalintii xigtayna ogaysiiyay macaamiishooda.

Xogtan la jabsaday ayaa noqonaysa tii ugu balaarnayd sanadkan 2018 iyadoo sidoo kale ah mid ka mid ah shanta xogood ee ugu waaweyn ee la jabsado inta la ogyahay.

xogaha internetka ee la jabsaday ee ugu waaweynaa waxaa ka mid ah sanadkii 2013 markii la jabsaday Yahoo iyo sido kale sanadkii 2016 markii la jabsday xogta in ka badan 412 Milyan oo qof xogtood ee webka FriendFinder Network Inc.

Inkasta oo aysan xogahan la jabsaday ku jirin xogo dhaqaale hadana emailada iyo adressyada la xaday ayaa qiimo weyn ugu fadhiya burcada internetka.

No comments:

Post a Comment

Arigtidaadu waa muhiim