Monday, January 8, 2018

Sawiro: Xarigjarka Airport-ka Garowe ee Gen. Abshir

Gen. Abshir International Airport
Garoonka diyaarada ee magaalada Garowe ayaa xariga laga jaray waxaana si wada jir ah madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynaha Puntland.


Garoonka ayaa waxaa loogu magac daray Gen. Maxamed Abshir Muuse oo ahaa taliyihii ugu horeeyay ee ciidanka booliska Soomaaliyeed waxaana uu 25- october sanadkii dhamaaday 2017 ku geeriyooday dalka Mareykanka. xaflada daahfurka ayaa lagu soo bandhigay magaca garoonka.

Daahfurka Garoonka

Ma ahan markii ugu horeysay ee ay Puntland yeelato garoon calaami ah sidan oo kale sanadkii 2016 bsihii January maanta oo kale waxaa xariga laga jaray garoonka caalimga ah ee magaalada Boosaaso Benderqasim International Airpot, waxaana xariga si wadajir ah uga jaray Madaxweynihii markaas ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Jan-6-2016 Benderqasim International Airpot
 Garoonka ayaa noqonaya kii labaad ee la dhameeyo halka garoonka diyaarada Gaalkacyana uu madaxweyne gaas dhagax dhigay dhamaadkii sanadkii tagay 2017 ayadoo dhawaan la bilaabi doono dhismihiis.

Balanqaadka madaxweyne Dr. Cabdiwali Gaas ayaa u muuqda mid fulay kadib Doorshadii madaxweynaha maanta oo kale sandkii 2014 bishii koowaad 8deedi taas oo ahayd dhisida kaabayaasha dhaqaalaha.

 Author: Yakub Aden   
Twitter:@ibnubotan   
Instagram: Ibnubotan













No comments:

Post a Comment

Arigtidaadu waa muhiim