Tuesday, January 2, 2018

17 qodob oo lamaanaha u horseedaya farxada iyo raaxada guurka


Rag iyo dumar ayaa wax badan oo  iska qaban iskula dhaqma sida inay yihiin caddow, halkii ay ka ahaan lahaayeen asxaab. Ninku waxa uu isleeyahay adiga ayaa qeef ah waxkasta oo aad dhahdo waa in la qaataa halka xaasku ay is leedahay ninkaaga la tartan oo xitaa waxyaabaha wanaaga ah ee uu sameeya maku mahad celiso.

Dumar badan ayaan la qancin karin oo baahidooda shaqsiyeed iyo mida qaraabadeeda aysan dhamaad lahayn. Raga qaar xaasaskooda si xun ayay ula hadlaan oo xitaa qaar ayaa gacan u qaada. Hadaba maxaa talo ah?
1. Horta waa maxay sababta guurka? Waxaa nasiib darro ah in dad badan aysanba fahansaneyn sababta guurka, sida uu ilaahey u macneeyay guurka asagoo ku tilmaamey naxariis iyo jeceyl, balse dad badan ayaan taas fahmin oo guurka u qaatay cadaawad iyo is neceyb joogto ah.
2. Ha noqon kaligi taliye: Walow ninka ragga ah ilaahey ka dhigay madaxa reerka hadana ma ahan inuu noqdo kaligi taliye oo go’aankasta kaligii qaato, waxaa ragga laga doonayaa inay dumarkooda si wanaagsan ula dhaqmaan.
Rasuulka (SCW) ayaa laga wariyay in uu yiri “Muslimka ugu fiican xagga caqiidada waa kan dabeecada fiican leh, kuwa idinkugu dabeecada wanaagsanina waa kuwa dumarkooda si wanaagsan ula dhaqma” Tarmidi.
3. Ku shirkooba go’aanada: Markii go’aan ku saabsan la qaadanayo qoyska waxaa muhiim ah in wada tashi la sameeyo oo mid kaliya uusan go’aan iska gaarin.
Go’aanka si wadajir ah loo wada gaaro qilaaf kama yimaado, qofkastana waxa uu dareemayaa ahmiyada uu ku leeyahay qoyska.
4. Haku xadgudbin xaaskaaga: Marnaba ha aflagaadeyn seygaaga ama xaaskaaga, haku dhihin hadal hoos u dhigayo maskaxdooda, ha u qaadin gacan Rasuulka (SCW) ayaa laga wariyay in uu yiri “Sidee ayaad u garaaci kartaan xaasaskiina maalintii sidii adoon habeenkiina ula seexan kartaan?”
5. Is xakamee markaad xanaaqdo: Xanaaqa sheydaanka ayaa ka faaideysta, markii aad xanaaqdo ha iska hadlin, oo haku hadlin hadalo aadan dhahdeen markaad caadi tahay, markii aad xanaaqdo ha hadlin sidaadaba, oo sug intaad ka dageyso.
6. Muuji dareenkaaga jeceyl: Ragga iyo dumarka Soomaalida waxaa laga la’yahay inay isku muujiyaan dareenkooda jeceyl, xitaa markii ay magaalada marayaan waxay u socdaan sidii dadka kala cararaya.
War ilaahay ayaa isku kiin xalaaleeyay, oo isku muujiya dareenkiina, ku dheh waan ku jecelahay macaanto/macaane. Muujinta dareenka jeceylka waxay kordhinayaan saaxiibtinimada qoyska.
7. La saaxiib xaaskaaga/seygaaga: Qeybtaan waa muhiim, ma ogtaay waxyaabaha ay xaaskaaga xiiseyso? waxaa muhiim ah in labada qof ee is qaba ay saaxiibo noqdaan oo midba midka kale ka warqabo, oo uu ogyahay waxyaabaha uu daneeyo, markaad ogtahay waxyaabaha uu seygaaga jecel yahay way fududahay inaad ku caawiso asaguna kugu caawiyo.
8. Muuji mahadcelinta: Markii xaaskaaga ay sameeyso wax wanaagsan u mahad celi oo u muuji sida aad ugu qanacsan tahay hawsheeda; ha dareensiin ninkaaga inuusan reerka faa’ido u lahayn oo waxyaabaha uu qabto ay macno daro yihiin, illaa inuu macno daro yahay mooyee, waxkasta oo uu qabto u muuji mahad-celintaada iyo sida aad ugu faraxsan tahay waxqabadkiisa.
Haddii xaaskagaa dharka kuu dhaqdo , oo ay cuntada kuu kariso, oo ay ilmaha iskuulka geyso ha u qaadanin in ay si otomatik ah waxkasta u qabaneyso balse waa hawl weyn oo muhiim ay tahay in aad adigu booskeeda is dhigto ka dibna aad dareento hawsha muhiimka ah ee ay kuu hayso.
9. Kala shaqee guriga: Ragga badan oo Soomaaliyeed ayaa lagu yaqaanaa in aysan guriga waxba ka qaban oo ay aaminsanyihiin in ay tahay hawsha dumarka, balse arintaas waa qalad, waxaa muhiim ah in ragu ay xaaskooda ku caawiyaan guriga. daryeelmagazine.com ayaa idin leh waxaa muhiim ah in dumarku aysan ka dhigin hawsha mid qasab ah balse aad isku daydo in aad ninkaaga ku xiiso galiso in uu hawsha guriga wax ka qabto.
10. Xiriirku waa muhiim: Aad iyo aad ayuu xiriirku muhiim u yahay, waa inaad la hadashaa xaaskaaga, waa inaad la hadashaa ninkaaga oo aad u sheegtaa wixii dhibaato ah oo jira, hadii labada qof aysan wada hadlin oo aan laga wada hadlin cabashooyinka waxay tageysaa meel aan laga qaban karin, balse markii la wada hadlo waxaa la gaari karaa in xal la helo inta ay dhibaatadu yartahay.
11. Iska ilow wixii hore: Hadii aad hore u dagaasheen ama wax kale ini dhex mareen balse laga heshiiyay marna hasoo qaadan, fadlan iska iloow guud ahaan.
12. Haka dayrin waligaa noloshaad la daris tahay: Haka masayrin nolosha ay ku nool yihiin dadka idinka lacagta badan, dumar badan ayaa raggooda kadeeda kadib markii ay ka masayreen nolosha dumar kale. Hoos u fiiri dadka kaa faqiirsan oo tusaale ku qaado ilaaheyna ugu mahadceli nicmadiisa. Kuna qanacsanaada noloshiina.
13. Ninkaaga waqti sii: Rag badan ayaa ka cowda in xaaskooda ay telefoon ku waaleen, hadii uu ninkaaga daneysto ma ahan inuusan ku jecleyn ama uu ku qayaanayo balse waa muhiim inaad aaminto xaaskaaga ama ninkaaga oo aad u ogolaato waqti uu ku daneysto.
14. Qiro qaladkaaga: Markii aad qalad sameeyso, qiro oo raali galin ka bixi, markii xaaskaaga ama ninkaaga uu qalad sameeyo u samee marmarsiyo haka soo qaadin wax weyn oo u raadi xal.
15. Ha iloobin sariirta: Xiriirka galmada waa qeyb muhiim ah oo ka mid ah guurka, waxaana muhiim ah in labada qof ay si wadajir ah ugu faraxsan yihiin oo ay u xiiseynayaan arrintaas.
Ragga qaar waxaa dhacda ayagoo habeenkaas intiisa badan maqnaa inay xaaskooda isaga galmoodaan ayagoon hawsha macayn, sidaas looma baahna, galmada waa in laga dhigaa mid xiiso leh, oo lasii qorsheeyaa oo guriga la carfiyaa oo ay ka horeeysaa dareen, jeceyl iyo istaabasho intaan hoos loo daadagin.
16. Ilaali sirta qoyskaaga: Arrintaan waa mid dadka badankoodu ay ogyihiin balse mararka qaar ayaa dhacda in xadka laga gudbo, hakala sheegeysanin reerkaaga dadka kale, dumarka qaasatan waxay jecel yihiin inay ninkooda uga sheegeeyaan dumarka kale, ha sameynin taas, arrinta reerkaagu waa qaas.
17. Qoyska wanaagsani way isku sabraan: Sabarka, cafiska iyo isku dulqaadashadu waxay qeyb weyn ka yihiin badbaadada qoyska, muhiimadu waxay tahay, ula dhaqan xaaskaaga/ninkaaga sida adiga aad jeceshay in lagula dhaqmo.

Source Taxaaye

No comments:

Post a Comment

Arigtidaadu waa muhiim