Somaliland oo sheegtay in ay walaac ku abuurtay falal budhcad badeedbimo oo dhawaanahan ka dhacay Badda Cas, waxayna sheegtay in ay xoojisay amniga badeeda.
"Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay fiiro gaar ah ku eegaysaa amni darrada ka taagan afaafka Koonfureed ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed iyadoo weeraro lagu qaaday maraakiib ay ka mid yhiin kuwo ganacsi iyo kuwa dagaal, taasoo abuuri karta xaalad budhcad badeednimo" ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Guddaha.
Somaliland waxay sheegtay in ay ka walaacsan tahay saamaynta dhaqaale iyo bulsheed ee ka dhalan karta dhaqdhaqaaqa sharci darrada ah ee ku soo kordhay Badda cas, taasoo ay sheegtay in ay keeni karto sixir barar ku yimaadda qiimaha maciishadda, sidoo kale keenaysa kor u kac ku dhaca caymiska maraakiibta ee Gobolka.
Qoraalka waxa lagu yidhi in Somaliland oo leh Xeeb dhererkeedu yahay 850km oo ay ilaalinayaan ciidankeedu ay qaaday tallaabooyin lagaga hor tegayo in ay ka dhacaan falal Budhcad Badeednimo iyo tahriibin ka dhacda xeebaheeda.
"Labadii wiig ee u danbeeyey Dowladda Somaliland, waxay xoojisay kormeerka iyo ilaalinta xeebaha Somaliland iyo guud ahaan amniga badda ee Gobolka" ayaa lagu yidhi qoraalka.
Somaliland waxay sheegtay in ay ka go'antahay xoojinta amniga iyo nabad-gelyada baddeeda, aaggaga ganacsi ee xuduudaheeda dhaqaale, iyada oo ilaalinaysa mabaadii'da sharci si waafaqsan xeerarka caalamiga ah.
Ugu danbayn, waxa qoraalka lagu sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay in ay iskaashi kala samayso dowladaha jaarka ah ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, si looga hor tago amni darro iyo Budgcad Badeednimo ka samaysanta Gobolka.
No comments:
Post a Comment
Arigtidaadu waa muhiim