Xaaladaha bani'aadamnimada ee xeryaha ay ku noolyihiin qaxootiga Muslimiinta Rohingya ee Bangladesh ayaa lagu wadaa inay sii xumaadaan bilaha soo socda, sida uu sheegay baare xuquuqda aadanaha , islamarkaana walaac ka muujiyay qorshaha dib loogu celinayo dadka laga tirada badan yahay ee ku soo noqonaya Myanmar.
Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Yanghee Lee oo ku sugan xerada qaxootiga ee Balochi ee Cox's Bazar, lagana mamnuucay booqashada Myanmar, ayaa sheegtay in xilliga roobabka monsoon ee Bangladesh uu soo dhowyahay, islamarkaana xeryaha qaxootiga "ay halis ugu jiraan daadadka lagana yaabaa in ay soo gaarto dhibaato badan".
Lee ayaa waxay sidoo kale ka digtay suurtogalnimada "cudurro ka dillaaca" oo ku faafa roobka culus, lagana yaabo inay noqdaan kuwa aan macquul aheyn in la xakameeyo oo ku faafa meelo kale".
Ergeyga Qaramada Midoobey ayaa lagu waday inuu booqdo Myanmar bishan Janaayo si uu u qiimeeyo xaaladda xuquuqda aadanaha ee dalka oo dhan, oo ay ku jirto gobolka Rakhine, halkaas oo howlgalka militariga Myanmar uu sababay in ka badan 650,000 oo ka mid ah dadka laga tirada badanyahay ee Rohingya u qaxaan dalka Bangladesh ee deriska la ah.
Dadka ka cararaya rabshadaha ayaa sheegeen in ololaha militiri iyo gumaadka baahay ay geysteen dilal ballaaran, kufsi iyo burburka hantida. halka ay QM ku sharraxday xaaladda mid bini'aadanimo ka bax ah iyo tusaale isir sifayn ka dhana Muslimiinta Rohingya”".
Lee oo loo xilsaaray kaalinta kormeerka xuquuqda sanadkii 2014, ayaa waajibaadkiisu yahay inuu booqdo Myanmar laba jeer sannadkii si uu ugu soo gudbiyo Golaha Xuquuqda Aadanaha iyo Golaha Guud ee Qaramada Midoobay xaalada dhabta ee halkaasi .Balse waxaa laga mamnuucay dalkaasi bishii la soo dhaafay inay ka sameyso baadhitaankeeda.
No comments:
Post a Comment
Arigtidaadu waa muhiim