Tuesday, January 23, 2018

Weerar ka dhacay Gobolka Kentucky ee dalka Mareykanka

 Marshall County High School in Benton, Kentucky. © marshall.kyschools.us
Weerar ka dhacay dugsiga sare ee Marshall County High School ee ku yaal magalada Benton ee gobolka Kentucky ayaa waxaa ku dhintay hal arday halka ugu yaraan shan arday oo kalana ay ku dhaawacmeen.



Governor Matt Benvin ayaa bartiisa Twitterka ku daabacay warbixin uu ku sheegayo in gacanta lagu dhigay dambiilaha weerarka gaystay.

Sido kale bar ay twitterka ku leeyihiin ciidanka Poliska kentucky ayaa lagu daabacay dhimashada hal qof.

Mapkan waa iskuulka uu weerarku ka dhacay.

Weerarkani waa kii labaad ee kadhaca dugsi sare gudihiis dalka mareykanka 24kii saac ee ugu dambeysay weerarkale ayaa ka dhacay Cafeteriyada dugsiga sarre ee Italy High School ee gobolka Texas kaas oo uu ku dhintay wiil dhalinyaro ah.



Author: Yakub Aden
Twitter: Ibnubotan 
Instagram: Ibnubotan

No comments:

Post a Comment

Arigtidaadu waa muhiim