Saraakiisha Laamaha amaanka ee Dalka Kenya ayaa Wali Waxaa ay La Tacalayaan sidii ay u Hakin Lahayeen Weerarada ay Dagaal yahanada Al shabab ay Ka Geysanayaan Dowlad Goboleedka Lamu ee Dhacda Gobolka Xeebta Dalkaas.
Dagaalyahanada Gacan Saarka La Leh ururka Al shabab oo Mudooyinkii Danbe Gabaad ka Dhiganayay Gudaha Keynta Boni ayaa Kordhiyay Bilihii La soo Dhaafay Beegsida ay ku hayaan Gaadiidka Dadka Rayidka Xarumaha Laamaha Amniga iyo Burburinta Hantida.
Waxaa sidoo Kale Jirta in Howlgalka Loogu Magac Daray Linda Bini ee Dowlada kenya Ka Wado Keynta Weyn ee Lamu in ay ku Dhinteen Saraakiil Ka Tirsan Laamaha Amniga Dalkaas iyo Dagaal Yahanada Al Shabab Kadib Weeraro Toos ah iyo Kuwa Dadban oo Labada Dhinac Dhexmaray.
Intii u Dhaxeysay Bilihii May iyo November sanadii 2017-dii in Ka Badan 30 askari oo Ka Tirsanaa Laamaha police-ka ayaa Lagu Dilay Weeraro Siyaabo Kala Gedisan Dagaal yahanada Kaga Geysteen Dowlad Goboleedka Lamu.
Sanadaan Bilowga ah ee 2018-ka ayaa Kooxaha Waxaa ay Kordhiyeen Weerarada iyo Beegsiga ay ku hayaan Gawaarida Dadweynaha ee isaga Kala Gooshta Wadada Xiriirisa Lamu iyo Malindi.
Todobaadkii Tagay ayey Aheyd Markii Dagaal Yahano Loo Fishay ururka Al Shabab ay Weerar Ku Qaadeen Degaanka Ishakani Maalin uun Kadib Markii ay Dhaawac u Geysteen Shan Sargaal oo Ka Tirsan police-ka iyo Haweeney ku Dhaqan Degaankaasi.
Si Kastaba Ha ahaatee Bulshada Ku Dhaqan ismaamulka Lamu ayaa Dhankooda Rajo Ka Muujiyay in Dowlada ay soo afjari Doonto sanadaan Cusub Weerarada ay Dagaal yahanada Al shabab ee Badi Ka soo Jeeda Gobolka Xeebta Ka Geysanayaan ismaamulada Kilifi Lamu iyo Mombasa.
No comments:
Post a Comment
Arigtidaadu waa muhiim