Thursday, January 25, 2018

Mashruuca cusub ee Crypto-ga ee 19 jirka Bitcoin milyoneerka ah.

Erik Finman
Erik Finman oo 19 jir ah ayaa sanadkii 2017 kasoo muuqday warbaahinta dunida kadib markii qiimaha Bitcoin ee uu haysto gaaray hal milyan oo dollar ($1 million)  taas oo u suurta galisay in uusan sii wadan waxbarashada collegeka kadib markii uu waalidkiis kula sharatamay.


Qiimaha Bitcoin ee uu hadda haysto waxay u dhiganta aduun lacageed oo gaaraya in ka badan $4 milyan oo dollar, iyadoo aysan wax saamayn ah ku yeelan hoos u dhaca ku yimid suuqyada Crypto-ga.

Erik Finman waxa uu ka niyad jabsanyahay xaalada suuqa Crypto-ga taas oo marna kor loo qaadayo marna hoos loogu dhigayo iyada oo la fiirinayo danaha shakhsiyadeed ee macaash doonka ah kuwaas oo uu musuqu hareyay.

Erik waxa uu yiri suuqa Crypto-gu waa mid musuq-maasuq miiran ah xilli ay waraysanay Business Insider waxa uuna sheegay "waxa aad arki doontan Jiilka koowaad ee Crypto-ga oo noolanaya iyo isaga oo dhimanaya"

Mashruuca Erik Finman

Erik Finman ayaa ku tilmaamay mashruuciisa jiilka labaad ee Cryptocurrncy. waxa uu u safrayaa daafaha dunida si uu ula kulmo Bilyoneerada Bitcoin si ay uga wada shaqeeyan Qorshaha cusub ee CryptoCurrency. bilyoneeradan oo ku kala noolaha magaalooyinka ay ka mid yihiin San Francisco iyo Dubai kuwaas oo isku magacaaba "Bitcoin Whales" (nibiriyada Bitcoin).

Farqigan ayaa u dhaxayn doona qorsha Erik Finman iyo Crypto-ga hadda jirra.

  • Bitcoin qiimaheedu ma fadhiyo lamana sadaalin karo taas oo caqab ku noqotay in wax lagu kala iibsado. Balse qorshaha Erik waxa uu bitcoin ka dhigi doona mid la saadaalin karo waxa ayna u kici doonta una dhici doonta si macquul ah.
  • Qiimaha lacag dirista ama helidu waa illaa $37 dollar balse Shuraakada Erik waxa ka dhigi doonan qiimaha lacag dirista ama lacag helista mid yar oo macquul ah.
  • waxa ay qaadata koronto xad dhaaf ah qodista, iyo isu socodka bitcoin taasina waxa ay dadajin kartaa Isbedelka cimilada aduunka. Shuraakada Finman waxa ay balanqaadayaan in ay si aad ah u dhimaan korontada ku bixi doonta Crypto-ga.
  • Bitcoin isticmaalkeedu aad ayuu u adagyahay iyada oo ay sabab u tahay soo dajinta Softwareka Boorsada/Khasnada (Bitcoin wallet) ee lacaga Crypto-ga lagu kaydsado. Qorsha shuraakada Erik waxa uu samayndoona Boorsooyin/Khasnado Fudud oo la fahmi kar.


Qorshayaashan ayay sheegeen khubarada Crypto-ga in ay macquulyihiin balse ay u baahan yihiin in taageero laga helo Bankiyada dhexe ee aduunka.

Author: Yakub Aden
Twitter: Ibnubotan 
Instagram: Ibnubotan

No comments:

Post a Comment

Arigtidaadu waa muhiim