Tuesday, December 12, 2017

Puntland : Sarkaal ka tirsan ciidanka badda ee PMPF oo qarax lagu dilay

PMPF
Wararka ka imaanaya Puntland ayaa sheegaya in shalay uu qarax ku dhintay Madaxii Miino Baarista Puntland Kornayl Cisman Abshir (Kabayare).

Korneylka ayaa la sheegay inuu haleelay Qarax lagu aasay aagga Galgala ee gobolka Bari, halkaas oo ay ciidamada Puntland fariisin ciidan ku leeyihiin.
Mid ka mid ah Ilaalada Korneylka dhintay ayaa VOA u xaqiijiyay in qaraxa uu haleelay sarkaalkan xilli ay ciidamadu ku howlanaayeen soo saarista miino jidka dhinaciisa lagu aasay.
Laamaha ammaanka Puntlad weli wax war ah kama soo saarin qaraxan uu ku dhintay sakaarkaal miina baarista u qaabilsanaa.

Xigasho VOA

No comments:

Post a Comment

Arigtidaadu waa muhiim