Tuesday, December 12, 2017

Maxaabiis Soomaali ah oo Muqdisho dib loogu soo celiey

Maxaabiis soomaali ah
Maxaabiis tiradooda gaarayso todobo  oo ka soo jeeda Soomaaliya isla markaana ku xirnaa jaziirada
Sechelles ayaa dib loogu soo celiyay dalka, iyadoo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku Soo dhaweeyay Wasiirka Cadaalada, taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo xeerilaaliyaha guud ee Qaranka .
Taliyah Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Gaas Xuseen Xasan Cusmaan ayaa sheegay in tallaabo Wanaagsan ay tahay in dalka dib loogu soo celiyo maxaabiista Soomaaliyeed ee ku Xiran Wadamada Calamka.
Wasiirka Cadaaladda Xukumadda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa tilmaamay in Wasaaradda Cadaaladda oo kaashaneyo Xeerilaaliyaha guud ee Qaranka iyo Wasaradda Arimaha dibada ay ku mashquulsan tahay in dalka dib loogu soo celiyo maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran wadamada dibadda.
Xeerilaaiyaha guud ee Qaranka Dr. Axmad Cali Dahiir oo ayaa xusay in maxaabiis kale ku soo Wajhanyihiin dalka si dalkooda ay ugu dhammeystaan xukunnada u dhiman.
Maxaabiistani ayaa 6 ka mid ah xabsiga ku dhammeysan doona dalka, halka qofka todobaad la sii daayay maadaama uu soo dhammeystay mudada xabsiga lagu xukumay.

No comments:

Post a Comment

Arigtidaadu waa muhiim