Tuesday, December 19, 2017

Maxkamad lasoo taagay siyaasi Cabdirixmaan Cabdishakuur oo soo dhamaatay galabta.

Siyaasi Cabdirixmaan Cabdishakuur
Muqdisho-Waxaa goordhaweyd soo idlaatay idlaatay maxkamadeyntii siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo galabta ka dhacday xarunta maxkamadda G/Banaadir ee degmada Xamarweyne.
Xeer ilaalinta ayaa dacwad ku soo oogtay siyaasiga iyadoo maxkamadda ka codsatay in muddo kordhin loo sameeyo si ay u soo dhameystirto baaritaanka ay ku heyso kiisaska lagu heysto siyaasiga.
Maxkamadda ayaa dhageysatay codsiga xeer ilaalinta iyo qareenkii difaacayay maxbuuska, waxaana dood kadib ay go’aamisay in muddo 24 saacadood ah ay xeer ilaalintu ku keento caddeymaha eedaha loo heysto  Siyaasiga.
Xeer ilaalinta ayaa dooneysay in la siiyo muddo 5 maalmood ah, taasoo aan dhicin, , waxaa kaloo socon weyday in damiin lagu sii daayo C/raxmaan C/shakuur.
Eedaha ay soo jeedisay xeer ilaalinta ahaa ahaa kuwo aan dhameystirneyn, waxayna maxkamadda maanta u tageen in waqti dheeraad ah ay helaan, kaasoo hadda ku soo ururay 24 saacadood, iyadoo C/raxmaan C/shakuur dib loogu celiyay xarunta dhexe ee NISA magaalada Muqdisho oo uu hore ugu xirna.
Xarunta Maxkamadda Gobolka Banaadir ee degmada Xamarweyne waxaa ku sugnaa Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaliya.

No comments:

Post a Comment

Arigtidaadu waa muhiim