Ciidamada Dowladda Somaliya, ayaa waxay caawa weerar abaabulan ay ku qaadeen hoyga uu Magaalada Muqdisho ka degan yahay Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame.
Ciidamada Dowladda oo watay gaadiidka dagaalka, ayaa waxay weerarkan qaadeen xilli uu hoygaasi ku sugnaa Siyaasiga uu bartilmaameydku ahaa.
Ciidamada, ayaa iska caabin kala kulmay ilaaladii C/raxmaan C/shakuur, iyadoona uu weerarkan dhacay xilli inta badan dadka reer Muqdisho ay hurdeen.
Hoyga la weeraray oo ku yaala Degmada Wadajir, gaar ahaan agagaarka Garoonka Aadan Cadde, ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in kolkii dambe ay la wareegeen Ciidamada Dowladda.
Wararka, ayaa sheegaya in iska horimaadkaasi uu ku dhaawacmay C/raxmaan C/shakuur, inkastoo aanay weli arrintaasi wax war ahi ka soo saarin hay'adaha amniga.
Weerarkan oo saqdii dhexe ee caawa dhacay, ayaa sas iyo argagaxba ku riday qoysaska ku dhaqan dhismooyinka ku dhow dhow hoyga la weeraray.
No comments:
Post a Comment
Arigtidaadu waa muhiim