Thursday, December 14, 2017

Kulan ciyaareedkii galabta ee Galmudug iyo Jubbaland oo baaqday iyo sababta ka dambaysa

Banaadir Stadium
 Waxaa laga dhawaajiyay inuu baaqaday kulankii galabta dhex mari lahaa Galmudug iyo Jubbaland tartanka Maamul Goboleedyada Soomaaliya.

Golaha Wasiirada ayaa qaatay go’aanka lagu baajiyay kulanka galabta kaddib qarixii saakay ka dhacay Iskool Buluusiyo Degmada Xamar Jajab ee lala beegsaday Booliska, inkastoo ay jiraan warar kale oo sheegaya in kulanka uu dhan farsamo u baaqday.
Qarax saka ka dhacay Muqdisho

Ciidanka Booliska ayaa qeyb wayn ka qaadanayay ilaalada garoonka Koonis, maadaama ay dhibaato ka soo gaartay qaraxii saakay waxaa la go’aamiyay in kulanka la baajiyo.
Masuuliyiinta ciyaaraha ee labada Xul Galmudug iyo Jubbaland ayaa lagu wargaliyay inaysan soo xaadirin ciyaarta galabta maadaama dib loo dhigay.
Lama sheegin goorta dib loo ciyaari doono kulanka baaqday, laakiin jadwalka berito waxba iskama badelin oo waxaa ciyaari doona Koofur Galbeed iyo Putland oo ciyaaraya kulankoodii ugu dambeeyay ee wareega Group-yada.

No comments:

Post a Comment

Arigtidaadu waa muhiim