Wednesday, December 13, 2017

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qarax ka dhacay xerada General Kaahiye ee magaalada Muqdisho


Saakay aroortii hore ayaa qof soo xirtay waxyaabaha qarxa waxa uu isku qarxiyay barxadda hore ee Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska ee General Kaahiye waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac badan.

Saraakiisha caafimaadka ayaa  xaqiijiyay in 17 qof ku dhinteen halka 17 kale ku dhaawacmeen qarax ka dhacay dugsiga tababarka booliska ee Jeneraal Kaahiye sida uu xaqiijiyay wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Yuusuf Garaad oo goobta qaruxu ka dhacay booqday .
Qofka is qarxiyay ayaa la sheegay in uu xirnaa dharka Ciidanka Booliska waxa uuna dhax galay Ciidan Boolis ah ku gaardinayay Barxadda hore ee Iskuul Buluusiya, Subax walba Barxadda Dugsiga Tababarka Ciidanka ee General Kaahiye ayaa tababar iyo Gaardis waxaa ku sameeya Ciidanka Booliiska oo u diyaar garoobaya Xuska Ciidanka Booliiska ee ku beegan bishaan gudaheeda.
wixii kasoo korda kala soco Raad news

No comments:

Post a Comment

Arigtidaadu waa muhiim