Friday, December 15, 2017

In ka badan 65 qof oo Soomaali ah oo lagu dilay dalka itoobiya.


Dadkan ayaa ku wada sugnaa hal meel, waxaana la sheegay in ay soo weerareen ciidamada Oromada kadibna ay laayeen.


Ugu yaraan 65 qof oo Soomaali ah ayaa lagu dilay xadka ay wadaagaan dowlad degaanada Oramada iyo Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Dadkaan ayaa waxaa dilay ciidamada la sheegay in ay yihiin kuwa ay leedahay dowlad degaanka Oramada ee dalka Itoobiya.

Dilka ayaa yimid kaddib markii ciidamada Liyuu Boolis ee dowlad deegaanka Soomaalida ay dileen Askar ka tirsan ciidamada Oromadda.

Meesha ay dadkaan la laayay ay ku suganaayeen ayaa aheyd goob horay ay kaga jirtay Cabsi, waxaana la sheegay in dadkaasi ay waardiyeen jireen ciidamada Xoogga dalka Itoobiya.
Horaantii sanadkaan ayuu bilowday isku dhacyadda u dhaxeeya Soomaalida iyo Oromadda, waxaana ay iska dileen dad badan .
Dowladda Itoobiya ayaa dhawaan sheegtay in ay gacanta ku dhigtay dadkii ka dambeeyay Fowdada, islamarkaana ay xabsiga dhigtay, laakiin waxaa muuqda in ay dib u bilowdeen dagaallada.

Xigasho VOA.

No comments:

Post a Comment

Arigtidaadu waa muhiim