Friday, December 15, 2017

Ciyaartii baaqatay ee Jubbaland vs Galmudug oo galabta la ciyaarayo.

Banaadir stadium
Galmudug oo laga rajo fiican yahay ayaa galabta ciyaareysa kullan u ah Final mahadaama hadii laga badiyo ama bar baro lagu celiyo ay tartanka isaga hareyso.

Jubbaland ayaa heysta laba fursadood oo ay ku soo bixi karto, waana guul iyo bar baro.
Macallin Babaay oo ah hoggaamiyaha Galmudug ayaa is badel weyn ku sameyn doono shaxdiisa guud sida daafacyada khadka dhexe iyo weerarka.
Ciyaaryahanada labada kooxood ayaa u ooman in ay gaaraan shabaqa mahadaama kullamadoodii koowaad uusan jirin xiddig gool dhaliyay.
Gobolka Banadir ayaa kaalinta koowaad ugu soo baxay guruubkan, waxaana la sugayaa xulkii soo raaci lahaa.
Koofur Galbeed ayaa kaalinta koowaad ugu soo baxday guruubka B, waxa ayna sugeysaa midkood Galmudug iyo Jubbaland.
Sikastaba heerka guruubyada tartanka ayaa ku eg jimcaha soo aadan, waxaana ciyaarahaan  la soo gaba gabayn doonaa 22-ka bishaan.

No comments:

Post a Comment

Arigtidaadu waa muhiim