Wednesday, May 31, 2017

SWRO: Ciidanka amaanka Puntland oo ku qabtay qaraxyo magaalada Boosaaso

Labbo nin oo siday qaraxyada

Ciidamada amaanka magaalada Boosaaso ayaa markale ku guuleystay qabashada Gaari candho-maydle nooca ay Soomaalidu u taqaan oo siday qudaar islamrkaana lagu soo dhex qariyey Qaraxyo waaweyn iyo laba nin oo sida ay saraakiishu sheegeen ahaa nimankii watay qaraxyadaa .


Lix sanduukh oo lamid ah sanduukhyadii qaraxyada dhawaan la qaban jiray lagu wadey oo lagu diyaariyey qaraxyo.
Sido kale waxa saarnaa bambooyin, taarikooyin gaadiid oo laga isticmaalo Soomaaliland iyo Muqdisho , iyo isgaarsiin casri oo nooca ay ciidamadu isticmaalaan ah iyo agabyo kale oo loo isticmaalo fulinta qaraxyada lagu daadiyo dhiiga shacabka ayey isugu jireen, waxaana laga qabtay kantaroolka weyn ee magaalada Boosaaso.


waa markii labaad oo la qabto qaraxyo noocaan ah oo laguna qabtay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

X.S: Maxamed Xirsi Jabra.






No comments:

Post a Comment

Arigtidaadu waa muhiim