Saturday, May 20, 2017

Ciidamo ka tirsan dawlada Soomaaliya oo dagaal ku dhexmaray Muqdisho.

Muqdisho

Ciidamo ka tirsan ilaalada xamar oo maanta dagaal ku dhexmaray nawaaxiga xarunta degmada dharkaynley ee gobolka banaadir, ayaa waxaa ku geeriyooday askari ka tirsan ciidanka laguna magacaabo Nuur calaa Nuur sida ay sheegen goobjoogayaal ku sugan goobta dagaalku ka dhacay.



Sidoo kale dagaalka ayaa sababay dhawaaca dhowr qof oo la gaarsiiyay goobaha caafimaadka.
maamulka degmada dharkeynley wali kama aysan hadlin xaaladan iyadoo ay xaalada degmadu si caadi ah dib ugu noqotay.

Maalmahan dambe ayaa waxaa jiray isku dhacyo ka dhex dhacayay ciidamada dawlada federaalka iyadoo ay dhibaato isugu jirta dhaawac iyo dhimashaba kasoo gaarayeen shacabka magaalada, ciidamada dawlada iyo xubno sar-sare oo ka tirsan dawlada.



halkan ka akhri wrbixin ku saabsan macaluusha soomaaliya

No comments:

Post a Comment

Arigtidaadu waa muhiim