Wednesday, April 5, 2017

Dalku wuxuu u baahanyahay dad

Ummad waliba waxay leedahay himilo & mabaadii ku dhisan siday u hormarin lahayd dalkeeda hooyo ugana shaqayn lahayd hormarkiisa iyo horukaca bulshadiisa
mabaadiidaa iyo qaraarada wax ku oolka ah hadii si wada tashi ah iyo israac loo gaaro lagana dhawro is qabqabsi iyo marin habaabin lagana hufo khaladaadka si ay u noqdaan wax u cuntami kara bulshada dalkaa ku nool waxay ku gaaraan barwaaqo iyo baraare waxay ka badbaadaan dib udhaca dhaqaale iyo midka siyaasadeed ee naafeeyey dhismaha dawladnimadoodaas mushtamacana ka dhigaysa inay ku meel maraan cagahodana ay ku istaagaan .



Hadaba su’aashu waxay tahay Soomaaliya oo muddo rubac qarni ah ku jidhay burbur dawladnimo dadkeeduna ku firirsan yahay daafaha caalamka iyagoo qaxooti ah yaa ka bixin kara?.
 Mushaakilkaas hareeyey qof walba oo Soomaali ah dalka iyo dibadaba ha joogeeneh  goormay hurdada ka kacayaan kuwii indhaha u ahaa  dalkaan Soomaaliya la yiraahdo waxaana nasiib xumo ah in hogaan waliba oo ay doortaan tiro kooban oo Soomaaliya  ah  beesha caalamkuna ku raacdo warbaahintuna buunbuuniso, hogaamiye walbana uu noqdo mid aan ka soo bixin waajibaadkii laga filayay goormuu baraarugayaa dadkaan?.
Goormuu baraarugayaa dadkaan?
Goormuu ku baraarugayaa dalkiisa hooyo .

W/Q: Abwaan Yaxye Siciid Aadan (Booshle) 2013
yaxyebooshle@hotmail.com

No comments:

Post a Comment

Arigtidaadu waa muhiim