Sunday, May 7, 2017

Madaxweynaha cusub ee France

Madaxweynaha  cusub ee wadanka fransiiska Emmanuel Macron waxa uu dhashay sanadkii 1977 waxa uuna ku dhashay Amiens oo ku taal waqooyiga wadanka faransiiska.


Macron ayaa ayaa wax barashadiisii ku soo qaaday dalka faransiiska isagoo gaaray illaa heerka labaad ee jaamacada Master Degree. 

Emmanuel waxa uu ka tirsan yahay una tartamayay xisbiga En Marche ee dalka faransiiska kaas oo ku guulaystay madaxtinimada dalkaas. 

Emmanuel waxaa u dhaxda xaas 64 jir ah oo lagu magacaabo Brigitte Trogneux oo iyaduna u dhalatay isla wadankaas faransiiska. 
Xaaska uu qabo Emmanuel ayaa da'ahaan ka weyn isaga 25 sanadood waxa ayna labadoodu is guursadeen sandkii 2007 xilligaas oo ay kala tageen saygeedi hore,  kaas oo ay dhashay saddex caruur ah. 

Emmanuel iyo Brigitte ayaan isu dhalin wax caruur ah.  Waxaana markii ugu horeysay uu la kulmay xaaskiisa isagoo shan iyo toban jir ah xilligaas oo ay sameeyen xiriir. 

Brigitte waxa ay macalimad u ahyad saygeeda xilligii xiriirkoodu bilawday waxa ayna u dhigaysay dugsiga sarre,  xilligaas oo ay u dhaxday saygeedii hore. 
Wargaysyada qaarkood oo waydiiyay su'aasha ah xilliga ay xiriirka bilaaben iyada iyo Emmanuel ayaa waxa ay kaga jawaabtay in ay tahay arin khaas u ah labadooda oo kaliya. 

Isku soo wada duubo Emmanuel ayaa noqonaya madaxweynihii ugu da'da yaraa ee uu yeesho wadanka faransiisku. 

No comments:

Post a Comment

Arigtidaadu waa muhiim