Monday, March 13, 2017

Faahfaahin ku saabsan qaraxyadii maanta Muqdisho ka dhacay

Qarax gaari NOHA

Labada qarax ee maanta ka dhacay magaalada muqdisho ayaa waxaa ku geeriyooday lix qof halka tiro intaa ka badana ay ku dhaawacmeen.



Mid ka mid ah qaraxyada ayaa loo adeegsaday baabuur nooca NOHA ayaa ka dhacay albaabka hore ee hotel Weheliye ee lu yaal wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada muqdisho waxaana halkaas ku dhintay shanqof.
Sido kale waxaa qaraxaas ku dhaawacmay tiro dad ah oo gaaraya ilaa iyo shan qof oo kale.

sido kale qaraxa labaad oo loo adeegsaday baabur nooca rakaabka ee Hoomey ayaa ka dhacay xero ciidamada lagu tababaro oo ku taal agagaarka warshadii nacnaca kuna taal degmada wadajir ee gobolka Banaadir. Qarax  ayaa waxa ku nafwaayay hal qof halka saddex kalana ay ku dhaawacmeen.


No comments:

Post a Comment

Arigtidaadu waa muhiim