Sunday, March 12, 2017

Ciidan gadoodsan oo xiray wadooyinka magaalada muqdisho.


Muqdisho
Ciidan gadoodsan oo ka tirsan militaryga soomaaliya kuwaas oo aad u qalabaysan ayaa la wareegay wadooyinka halbowlaha u ah magaalada muqdisho.


Ciidankan ayaa xiray wadada K4 ilaa isgoyska banaadir iyagoo gabi ahaanba joojiyay bisu socodka gaadiidka iyo shacabkii adeegsanjiray wadooyinkaas.

ciidankan oo ku hubaysan saanada militaryga soomaaliya ayaa ka cabanaya mushaar la'aan mudo 12 bilood ah iyagoona ka cabanaya in laga gaabsaday wax ka qabashada mushaar siinta ciidanka.
wararka qaar ayaa tilmaamaya in ay jiraan sababo kale oo ku hoos duugan mushaar la'aanta.

waa markii ugu horeysay ee ay ciidanka xooga dalka soomaaliya ka cabanayaan mushaar la'aan sidii loo doortay madaxweynaha cusub ee soomaaliya Maxamed cabdulaahi Farmaajo.



No comments:

Post a Comment

Arigtidaadu waa muhiim