Saturday, February 25, 2017

Ciidamada amaanka Puntland oo magaalada Boosaaso ku xiray nabadoon

N. C/qaadir Ibraahim Xarago
wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa sheegaya in la xiray nabadoon C/qaadir Ibraahim Xarago oo saaka aroornimadii la hadlay idaacada VOA-da isagoo ciidanka amaanka ku eedeyay in ay jirdil u geysteen koox dhalinyaro ah oo kuwaas oo sugaya in lagu fuliyo xukun dil toogasho ah kadib markii ay maxkamada G. Bari xukuntay bishan gudaheeda.



kooxdan dhalinyarada ah ayaa lagu eedayay in ay la shaqeynayeen Xaraka alshabaab kuwaas oo dhawaan ku dilay magaalada boosaaso xubno ka tirsan dawlada, ganacsato iyo shacab, iyadoona dhalinyaradan lagu eedeyay in ay dilalkaas geysteen.

Nabadoonka ayaa sido kale ku tilmaamay xukunka dhalinyaradaas mid xaqdaro ah oo loo maray wado sharci darro ah.

Nabadoonka ayaa la xiray xili uu ku sii jeeday magaalada Waaciye ee gobolka Karkaar. Ilaa iyo hada maamulka gobolka bari kama aysan hadlin xariga nabadoonka.

No comments:

Post a Comment

Arigtidaadu waa muhiim