Thursday, February 23, 2017

Maraakiib kaluumaysi sharci daro ah waday oo xeebta Boosaaso ku xaniban.

Marakiib taagan Xeebta M. Bosaso
Shacabka Puntland ayaa maalmahan hadal hayay maraakiib kaluumaysi oo taagan xeebaha Puntland iyagoo ku eedeyay dawlada Puntland in ay raali ka tahay jariifka lagui wado kaluunka biyaha badda Puntland.



Madaxda Wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Puntland ayaa maanta shir jar’aaid oo ay kaga hadlayaan eedayn loo soo jeediyey oo ay ahayd in maraakiib kalluumeysi oo jariifa soo geliyeen biyaha Puntland ku qabtay xarunta Wasaaradda ee Boosaaso.

W. kaluumysiga Cabdinuur Cilmi Nuur Biindhe
 Wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Puntland Cabdinuur Cilmi Nuur Biindhe ayaa ugu horayn saxaafada u sheegay in maraakiibtaas yihiin todoba isla markaana si sharci ah ay uga kalluumeysanayeen biyaha Puntland.

Wasiir Cabdinuur Cilmi Nuur Biindhe ayaa sheegay in maraakiibtaas kalluumeysi laga leeyahay dalka Jabuuti.

sido kale wasiir ku xigeenka wasaarada kalluumaysiga iyo xubno ka tirsan dawlada Puntland ayaa iyaguna sheegay in sharciga la horgeyn doona maraakiibtan kalluumaysiga sharci darada ah waday.

No comments:

Post a Comment

Arigtidaadu waa muhiim