Yuusf Garaad |
Kufsi waxaa uu ka mid yahay dembiyada culculus ee Saxaafaddu ay tahay in ay aad uga fiirsato qaabka ay u tebineyso.
Khibrad, aqoon guud iyo mid qaanuun
in lala kaashado ka sokow, Saxaafadda tebineysa kufsi waxaa habboon in
Tifatiraha ugu sarreeyaa uu ka warhayo habka loo dhigayo warka,
mas'uuliyadda kama dambeysta ah ee go'aanka tebintana uu isagu qaataa.
Xeerarka saxaafadda ee aan muddo
dheer ku soo shaqeeyay, in bandanna aan tababbar uga bixiyay London iyo
caasimado badan oo Afrika ahi waxay qabaan in haddii uu dhaco kufsi oo
ah faldembiyeed aad u culus aan la sheegin magaca dhibbanaha.
Dalalka qaarkood sida UK wuxuu sharcigu qabaa in aan abid la soo hadal
qaadin magaca dhibbanaha kufsi iyo xataa in aan la sheegin tilmaan lagu
garan karo qofka la kufsaday.
W/Q: Yuusuf Garaad
No comments:
Post a Comment
Arigtidaadu waa muhiim