Tuesday, January 24, 2017

Qarax dhimasho iyo dhaawac dhaliyay oo ka dhacay Afgooye.


Sida ay sheegayaan warbixinada ka imaanaya magaalada afgooye ee gobolka shabeelada hoose ayaa waxaa saakay ka dhacay qarax miino.

Qaraxan ayaa ahaa mid ku diyaarsan goobta uu ka dhacay oo ahayd fariisin ciidanka dawlada federalka ah, waxa uuna ahaa miino dhulka ku aasnayd sida uu xaqiijiyay taliyaha booliska afgooye oo la hadlay radio muqdisho.


Qaraxan ayaa keenay dhimashada saddex ruux oo mid ka mid ah yahay askari sadoo kalena waxa uu dhaawac u gaystay afrar ruux oo kale.

Xaalada afgooye ayaa haatan dagan iyadooay ka socdaan hawlgalo lagu xaqiijinayo amaanka oo ay wadaan ciidanka dawlada federaalka.

No comments:

Post a Comment

Arigtidaadu waa muhiim