Sunday, January 29, 2017

Sargaal ka tirsan kooxda Al-shabaab oo lagu dilay gobolka Gedo.


Uuruka Al-shabaab
Ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobolka Gedo ayaa dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa ururka Shabaab, kadib howl gal qorsheysan oo ay ciidanku ka sameyeen gobolkaasi.
Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jira Cabdullaahi Qanaas, waxa uuna ka mid ahaa saraakiisha ugu sareysa ururka Shabaab.

Sarkaalkan la dilay ayaa la sheegayaa in sidoo kale uu ahaa horjoogihii Shabaab u qaabilsanaa Garbahaarey, Beledxaawo, Buurdhuubo iyo Luuq.
 
Howl galka lagu dilay sarkaalkaasi ayaa ka dhacay deegaanka lagu magacaabo tuulo Barwaaqo oo ka tirsan degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Qaybo ka mid ah gobolka gedo ayaa waxa wali gacanta ku haya ururka Al-shabaab.

No comments:

Post a Comment

Arigtidaadu waa muhiim