Saturday, January 28, 2017

Maxaa kasoo kordhay weerarkii ciidamada kenya ay Al-shabaab ku Qaaday.

Weerarkii kooxda Al-shabaab ay ku qaaden saldhiga Kulbiyow ee ay daganaayen ciidamada Amisom ee Kenya ayaa waxaa ka soo baxaya warar kala Duwan oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay weerarkaas.

Ciidamada Kenya ayaa sheegay in weerarkaas ay kaga dhinteen 15 askari iyo tiro kale oo dhaawac ah.

Kooxda Al-shabaab ayaa sheegtay in ay ku dileen weerarkaas in la badan 70 askari oo keenyan ah, balse keenya ayaa beenisay sheegashadaas.

Ciidamada keenya oo gacan ka helay ciidan ka tirsan maamulka jubaland ayaa hawlgalo kawada deeganka Kulbiyow iyo deegaanada ku dhow.

No comments:

Post a Comment

Arigtidaadu waa muhiim