Tuesday, January 24, 2017

Labada aqal ee barlamaanka soomaaliya oo qodobo kasoo saaray kulankoodi maanta.

Barlamaanka aqalka sarre ee Soomaaliya

Kulankii ugu horeeyay ee ay yeeshan barlamaanka labada aqal ee soomaaliya ayaa maanta laga soo saaray gu'aamo lagu wajahayo doorashada madaxweynaha dawlada soomaaliya iyo shuruudaha ka horeeya.



Kulanka markii uu soo dhamaaday  ayaa gudoomiyaha barlamaanka soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawhari wuxu saxaafada u akhriyay qodobadii kasoo baxay kulankii aqalka sare iyo barlamaanka.

waxa ayna kala ahaayen qodobada la isku raacay.
  1. Gudiga doorashada madaxweynaha waxa ay ka koobnaan doonan 16 mudane, iyadoo 10 ka mid ah ay ka imaan doonan aqalka hoose, halka 6 mudane ee kalana ay ka imaan doonan aqalka sarre ee baarlamaanka.
  2. In gudiga doorashooyinka heer federal ay goob joog ka noqdaan doorashada madaxweynaha.
  3. In ciidamada amaanka xaqiijinaya ee goobta ay ka dhacayso doorashada ay ka amar qaatan gudoonka barlamaanka.
  4. Lacagaha laga qaadi doono musharixiinta in qayb ka mid ah lagu bixin doono abaaraha ka jira dalka.
  5. In musharixiinta u taagan qabashada xilka madaxtinimada la weydiiyo su'aalo dood wadaag ah.
  6. In la sameeyo gudi madax-banaan oo ka hortaga musuq-maasuqa.
G. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari




No comments:

Post a Comment

Arigtidaadu waa muhiim